Dowladda oo Shaacisay in howlgal qorsheesan lagu dilay in ka badan100 nin oo Al Shabaab katirsan

Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in howlgal qorsheesan oo ciidanka dowladda ka fuliyeen deegaanka Ceeldheere ee kuyaalla xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe lagu dilay in ka badan 100-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta  Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaalad oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ciidanka NISA noo gacan ka helaya kuwa caalami ah weerar cir iyo dhul isugu jiray ku qaadeen deegaanka Ceeldheere.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamada huwanta ah halkaasi ku dileen in ka badan 100 dagaalame oo katirsan Al Shabaab , waxa uuna xusay in raga la dilay in ay ku jiraan saraakiil sar sare oo hoggaamineysay xooggaga Al Shabaab.

Al Cadaalada ayaa sheegay in ciidamada heleen xogta dagaalyahanada Al Shabaab oo goobtaasi isku aruursanayay, waxa uuna cadeeyay in ciidamada howlgalkaasi kusoo furteen hub badan iyo gaadiid dagaal.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka wadaan howlgal ay kusii baacsanayaan firxadka dagaalyahanada Al Shabaab ee ka cararay deegaanka Ceeldheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -