Allbanaadir.com
NEWS

Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

Roob xooggan oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan ayaa xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxa uuna roobka ahaa mid si xooggan ku socday oo biyo badan dhigay waddooyinka caasimadda.

Inta la xaqiijiyay haweeney iyo gabar yar oo ay habayar u tahay ayaa ku geeriyooday roobkii xalay ka da’ay Muqdisho, kaddib markii uu kusoo dumay guri ay qoyskaasi degnaayeen oo kuyaalla degmada Xamar Jajab.

Roobkii xalay ka da’ay Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in ay ka dhashaan Khasaarooyin kale oo badan, waxa ayna biyaha roobka qaadeen gaadiid, mootooyin, halka ay burburiyeen guryo badan oo kuyaalla magaalada.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa sidoo kale galeen biyo badan, waxa uuna saameyn xooggan ku yeeshay xujey badan oo xalay xilligii roobka socday ka baxayay garoonka diyaaradaha.

Waddooyinka caasimadda Muqdisho, ayaa badankood waxaa fadhiya biyo badan, waxaa sidoo kale burburay qaar kamid ah laamiyadii la dhisay, waxa uuna roobka saameyn xooggan ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Related posts

Gudoomiye Axmed Iimaan oo Caawa kormeeray Wadooyinka Muqdisho qaarkood (Sawirro)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo amar culus siisay Cumar Finish & Xaalada Baladwayne oo kacsan

admin

Xamse Barre oo shaaciyay ahmiyadda ee bulshada u leedahay Caddaaladda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---