Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Dowlada Somalia oo War cusub ka so saartay howlgal ay fuliyeen ciidanka Danab

Dowlada Somalia ayaa war ka soo saartay howgal xalay Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Danab ka fuliyeen degaanka Bukh-aqable oo qiyaastii 40km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan halkaasoo saldhig weyn ay ku leeyihiin Al-Shabaab.

“Hawlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidanka Danab waxaa ay ku khaarijiyeen 18 ka mid ah maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyada oo gabi ahaan ay burburiyeen meelihii gabaadka u ahaa nabad diidka   Meelaha ay Ciidanka Xoogga burburiyeen waxaa ka mid ahaa xaruntii argagixisada ee deegaanka Bukh-aqable iyo meelihii Shacabka ay ku dhibaateyn jireen” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada warfaafinta Somalia oo u qornaa sidatan hoose.

Related posts

Mid mid ah fanaaniintii ugu caansanaa Somalia oo Muqdisho ku geeriyooday

Caydiid Ali

Cabdulaahi Aadan Black oo loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Dhismaha Dekadda magaalada Baraawe oo maanta la dhagax dhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---