Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne kuxigeen Caan ah oo xabsiga la dhigay iyo Dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi , Saulos Klaus Chilima ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii lagu helay fal dambiyeed la xariira in uu ku kacay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin balaaran.

Xafiiska la dagaalanka Musuqa ee dalka Malawi ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay baaris lagu waday madaxweyne kuxigeenka dalkaasi oo muddooyinkii lasoo dhaafay lagu eedeenayay in uu ku kacay musuqmaasuq .

Saulos Klaus Chilima ayaa lagu eedeeyay isaga oo adeegsanaya awoodda dowladda in uu ku kacay musuqmaasuq, waxaana lagu bilaabay baaritaano qoto dheer ,iyadoona ugu dambeyn lagu helay dambiga loona taxaabay xabsi.

Hay’adda la dagaalanka Musuq-maasuqa ee Malawi ayaa sheegtay in ay ku raad-joogto shakhsiyaad kale oo katirsan Dowladda awoodna ku leh, kuwaa oo iyana loo heysto in ay ku dhaqaaqeen wax is dabamarin hanti dadweyne.

Madaxweyne ku xigeenka dalka faqriga ah ee Malawi  ayaa lagu eedeeyay in uu caawinaad siiyay shirkado uu leeyahay in u dhashay Britain ,sidoo kale uu ku kacay falal kale oo musuqmaasuq ah iyo lunsasho lacageed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo xariga ka jaray xarumo ciidan oo laga hirgeliyey Cadaado (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Labo Wadan oo Muwaadiniintooda uga digay in ay u safraan dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Guddoomiye Filish oo soo saaray amar ku socda Hotelada & Safaaradaha degan Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---