Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoor-qoor oo war ka soo saaray doorasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii Golaha deegaanka iyo Guddoonka Degmada Gaalkacyo oo maalmihii danbe si isdaba joog ah uga dhacay Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

“Reer Galkacyo waa ku mahadsam yihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka & doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Md. Qoorqoor.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo ku guuleystay doorashadii maanta oo u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib u heshiisiinta oo suura gelisay dhismaha golaha deegaanka iyo doorashada guddoonka Galkacyo. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku dhiirogeliyay wasaaradda in ay dardar-geliso dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka Galmudug ee dhiman..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Mukhtaar Roobow iyo Culimada Ahlu suna?

Caydiid Ali

Daawo:-Baarista Maydka Cali Khaliif oon laga jawaabin & Ciidamo kale loo soo dirayo Somalia

admin

Saraakiil katirsan ciidamada AMISOM oo bilado iyo shahaadooyin la gudooniiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---