Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Dhuusamareeb oo War ka soo saaray dagaalka ka socda Magaalada

Guddoomiye ku-xigeenka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug Cabdi Xaashi ayaa sheegay iney magaalada ka saareen kooxo ka tirsan ah Ahlusunna oo uu sheegay iney soo galeen dhowr xaafadood.

Cabdi Xaashi ayaa intaas ku daray in kooxda Ahlusunna aysan awood u laheyn iney qabsadaan magaalada Dhuusamareeb , isagoo shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan oo ay guryahooda joogaan.

“Waxaan sii baacsaneynaa firxadka kooxdii soo duushey ee Suffo oo aan ka bixiney Magaalada oo qeybo ka mid ah ay soo galeen” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Dhuusamareeb Cabdi Xaashi oo ay rasaastu ka dul dhaceyso.

Waxaa uu intaas ku daray in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa galmudug ay gacanta ku hayaan amaanka magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna xusay in kooxihii hubeysnaa ee saaka soo galay haatan la baacsanayo.

Xiliga uu hadlayo Cabdi Xaashi waxaa dushiisa ka dhaceysa rasaas culus oo la isweydaarsanayo, waxaana cakiran xaalada magaalada Dhuusamareeb oo qeybo ka mid ah dagaalo ay ka socdaan maanta.

LA SOCO WIXII WARAR AH EE KA SOO KORDHA

Related posts

Faahfaahin: Dagaalo khasaare ballaaran geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan Galmudug

Caydiid Ali

Caro ka dhalatay ficil naxariis daro ah ay sameeyeen Booliiska Hindiya (Daawo Sawir)

Cabdi Cade

Aabe iyo Caruur uu dhalay oo Dil wadareed loo geestay iyo Howlgalo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---