Allbanaadir.com
NEWS

Aabe iyo Caruur uu dhalay oo Dil wadareed loo geestay iyo Howlgalo socda

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaan katirsan gobolkaasi dil wadareed loogu geestay aabe iyo caruur uu dhalay, waxaana falkan si weyn uga argagaxay dadka deegaanka.

Weerarkan lagu dilay Aabe Xasan Diiriye Cilmi iyo afar caruur ah uu dhalay ayaa ka dhacay Duleedka Deegaanka Saax-qurun ee Gobolka Mudug, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay wiil 8-sano jir ahaa.

Kooxda weerarka geesatay ayaa rasaas culus ku furay qoyskaan kadibna goobta ka baxsaday, wali lama oga kooxdii falkaasi dilka ah ka dambeesay, waxaana loo maleenayaa in falkan salka ku hayo aano qabiil.

Ciidamada amaanka ee ka howlga gobolka Mudug ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxdii ka dambeesay dilka dadkan isku qoyska ah loo geestay, waxa ayna saraakiisha ciidamada ku hanjabeen in kooxdaasi talaabo ka qaadi doonaan.

Gobolka Mudug deegaano katirsan ayaa marar badan waxaa kusoo noqday dilal iyo dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil, dilalkaasi ayaana deegaanada qaar ka abuuray in dadka isaga barakacaan cabsi owgeede.

 

Related posts

Farmaajo oo ka fal celiyey hadalkii uu saaka Shiikh Shariif ka jeediyey Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Xisbiga Wadajir oo si kulul uga hadlay ansixinta Sharciga Doorashooyinka dalka

Cabdi Cade

Taliye Cusub oo loo soo magacaabay AMISOM oo Muqdisho yimid (Dawao Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---