Ahlusunna oo ka hadashay dagaalka ay ku soo qaadeen Dhuusamareeb

Kooxda la baxday Ahlusunna ayaa sheegatay iney la wareegtay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Sarkaal u hadlay kooxdaas ayaa sheegay iney soo galeen magaalada Dhuusamareeb ayna dagaal kaga saareen wax uu ugu yeeray cadowga, isagoo xusay in ciidankiisa ay joogaan bartamaha magaalada.

Hase ahaatee warar madaxa banaan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ay badi gacanta ku hayaan magaalada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda Ahlu suna ay ku sugan yihiin xaafado ku yaalla daafaha magaalada, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah oo la isweydaarsanayo.

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa saaka cakiran, waxaana xiran ganacsiga iyo suuqyada, ma jiro gaadiid dadweyne oo soconaya, waxayna magaalada wajaheysaa dhiilo colaadeed iyo dagaal aan la ogeyn saameynta uu yeelan doono

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAH

HOOS KA DAAWO SARKAALKA AHLU SUNA U HADLAY

- Advertisement -