Dowladda Mareykanka , ayaa kahor timid war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatshiga Qaran ee dhawaan magaalada Muqdisho ugu soo dhammaaday madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah kuwa dowlad goboleedyada.
Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, ayaa qoraal adag uga soo jawaabay war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii NCC, iyagoo caddeeyay in Soomaaliya u baahan go’aan loo dhan yahay, go’aamada aan loo dhammeyn ay keeni karaan dhaawac xagga sharciyada iyo caqabadna ay ku noqon karto ammaanka guud ee dalka.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Mareykanka , ayaa lagu sheegay in go’aanno aan loo dhameyn oo ay gaaraan kooxo kaligood in ay sababi karaan caqabado ay kamid yihiin kuwa amaanka, Mareykanka ayaana sheegay in loo baahan yahay wax loo dhan yahay.
”Dhammaan dhinacyada ay khusayso waa in ay fikrad ka dhiibtaan isbeddelka lagu samaynayo nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya. Go’aannada la qaato iyada oo aan taageero sal ballaaran la helin waxay ka maqnaan doonaan sharciyad waxayna ka leexin doonaan caqabadaha amniga ee adag” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.
Go’aankan adag ee kasoo baxay Mareykanka, ayaa imaanaya xilli Muqdisho shir ugu soo dhamaadeen madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda qaar kamid ah maamul goboleedyada, kuwaa oo isku xisbi ah isku dhinacna wax u wada, halka albaabada laga xirtay maamulada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com