Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka Ben Gurion iyo kala carar ka dhacay

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen , ayaa ku weerarray gantaallada riddada dheer garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion , oo marar badan kooxda Xuutiyiinta sidaan oo kale u weerareen.

Weerarkan gantaalada ee lagu qaaday Israa’ iil gaar ahaan garoonka diyaaradaha ugu weyn , ayaa sababay in garoonka lagu kala cararo, sidoo kale la xiro gabi ahaan garoonka oo wajahay xaalad adag oo dhinaca amniga ah.

Israa’iil ayaa dhibaato badan kala kulmeysa weerarada gantaalada ee kooxda Xuutiyiinta kusoo qaadeyso garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion , waxa uuna garoonkan marar badan la kulmay in uu xirmo.

Weerarkan Xuutiyiinta ku qaadeen Israa’iil , ayaa imaanaya xilli kooxda oo heshiis xabbad-joojin ah la gaartay Mareykanka , waxa ayna Xuutiyiin weerarada ay ku qaadaan Israa’iil ku xireen in la joojiyo dagaalka ka socda magaada Gasa.

Related posts

Dalalka Yurub oo xaalka kusii xumaanayo iyo Trump oo sabab u ah

Cabdi Cade

Tirada dadka ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo sii kordhay iyo Dad hor leh oo …

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---