Allbanaadir.com
NEWS

Hindiya oo sheegtay in ay soo riday F-16 iyo Mareykanka oo beeniyay

Dowladda Hindiya, waxay iskudayday inay ka soo kabato fadeexada burburka diyaaradaheeda dagaalka gaar ahaan kuwa casriga ah , kaddib markii warbaahinta Hindiya loo gudbiyay warka la xiriira inay ciidanka Hindiya soo rideen diyaarad F-16 ah oo ay lahaayeen ciidanka Pakistan .

Warkan kasoo baxay Hindiya, waxaa si caro leh u beeniyay Mareykanka oo diyaaradan soo saaray, iyadoo saraakiisha Mareykanka ay xaqiijiyeen inaysan Pakistan adeegsan diyaaradaha F-16 inta uu socdo iska horimaadka, sababtoo ah heshiiska ay ku heshay Pakistan diyaaradda F-16 , waxaa ku jiray inaysan ku weerarri karin Hindiya,sida ay baahisay Reuters.

Milatariga Pakistan , ma adeegsan hubka iyo diyaaradaha galbeedka iyo Ruushka midna, illaa nidaamyada difaaca iyo raadaarka oo dhammaan ahaa wax soosaarka gudaha Pakistan iyo Shiinaha.

Hindiya waxay wajahaysaa fadeexadii u sarreeysay taariikhda dagaallada , kaddib markii wax ka yar 24 saac ay ku lumisay 6 diyaaradood oo ay ku jiraan kuwa jiilka 4.5 ee Faransiiska uu soo saaro ee Rafale oo mid kasta ay joogto $288 milyan oo ay weheliyaan tobannaan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Related posts

Gideon Tomotios oo loo magacaabay Wasiirka A/dibeda Itoobiya

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga soo horjeesatay hadallo Isra’il kasoo yeeray

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni oo furay kalfadhiga Baarlamanka Puntland, kana hadlay arrimo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---