Isbitaalka Dalmar oo xusay Maalinta caalamiga ah ee Kalkaaliyeyaasha (Sawirro)

Munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee kalkaaliyeyaasha dunida (World nursing Day) oo beegneyd shalay oo taariikhu aheyd 12-ka May ayaa lagu qabtay xarunta Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa Munaasabadan soo agaasimay Maamulka Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Dhaqaatiir, kalkaaliyeyaal Caafimaad, ardayda Jaamacadaha qaarkood iyo qeybaha bulshadda.

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Dalmar Dr.  C/fitaax C/llaahi Jaamac oo hadal furitaan ah ka jeediyey Munaasabada ayaa ka waramay kaalinta kalkaaliyeyaashu kaga jiraan bahda Caafimaadka.

“Dhaqaatiirtu bukaanka waqti aad u kooban ayay la kulmaan, hase ahaatee kalkaaliyeyaasha waa kuwa had iyo jeer la jooga bukaanada, kana warqaba xaalad walba oo ay ku sugan yihiin” ayuu yiri C/fitaax C/llaahi Jaamac.

Sidoo kale waxaa Munaasabada cashar qiimo badan ka soo jeediyey madaxda kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ee Isbitaalka Dalmar oo ka waramay waajibaadka kalkaaliyeyaasha, howlaha ay qabtaan, xilka ka saaran baxnaanada bukaanada iwm, isagoo ka soo qeyb galayaasha uga jawaabay su’aalo la xiriiray mowduucan.

Dr. Axmed C/risaaq Dalmar oo ka mid ah Maamulka isbitaalka, ahna dhaqtar ku taqasusay cudurada aragga ayaa hambalyo u diray kalkaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo uu xusay iney kaalin muhiim ah kaga jiraan bahda Caafimaadka.

“Maalinta caalamiga ah ee kalaaliyeyaasha waxay noo tahay maalin weyn oo la xuso kaalinta ay kaga jiraan xirfadleyaasha Caafimaadka, waxay udub dhexaad u yihiin isbitaalkeena, weyna nooga ogaal badan yihiin xaalada bukaanada maadaama ay la qaataan waqtiga ugu badan” ayuu yiri Dr. Axmed oo kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ugu baaqay iney had iyo jeer ilaaliyaan anshaxa looga baahan yahay, bukaanadana si daacadnimo iyo masuuliyadi ku jirto ugu adeegaan.

Sannad kasta 12-ka May, waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Kalkaaliyeyaasha, si loo muujiyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan bahda Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -