Caro ka dhalatay ficil naxariis daro ah ay sameeyeen Booliiska Hindiya (Daawo Sawir)

Booliiska dalka Hindiya gaar ahaan booliiska gobolka Uttar Pradesh ayaa dhaxda uga jira fadeexad fool xun , kadib markii booliiska saraakiil katirsan lagu sawiray iyaga oo hor socda qof isaga oo nool dhulka lagu jiidayo.

Baraha bulshada iyo Warbaahinta ayaa si weyn loogu baahiyay sawirka nin ay koox dad ah jiidayaan, waxaana dadkaasi hor socda sadex sargaal oo katirsan booliiska gobolkaasi kuwaa oo ku fashilmay in ay ruuxaasi dhulka lagu jiidayo bad baadiyaan.

Ninka dhulka lagu jiidayay ayaa magaciisa lagu soo koobay Qaasim, waxaana la sheegay ninkan uu ahaa nin musli ah oo deganaa xaafada Madhpura Mustafabad ee gobolka Uttar Pradesh, ninkan ayaana markii dambe isbitaal la dhigay ku geeriyooday.

Dad badan ayaa ka carooday habdhaqanka booliiska dalka Hindiya, waxaana booliiska lagu dhaleeceeyay in ay u muuqdeen kuwa raali ka ahaa falka ay ku ka cayeen kooxda ninkan nolosha ku jiiday.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo dilay dhulkana loogu jiiday Qaasim, waxa ayna booliiska sheegeen in sababta nikaasi loo dhibaateeyay ay tahay dood ka dhalatay shil mooto.

Madaxa Booliiska ee gobolkaa Uttar Pradesh , Rahul Srivastava,  ayaa sheegay in sawirradu ay ahaayeen kuwo la marin habaabiyey, booliiskuna aanay taageersanayn khaarijinta qof aanan sharciga la marin.

“Sawirradu waxay muujinayaan ninka oo dhulka lagu jiiday, booliiskuna aanay waxba ka qabanayn, balse taas maahan run, dadka ayaa doonayey in ay ninka weeraraan, booliiskuna waxay isku dayayeen in ay ka celiyaan, si kasta ha ahaatee waxay ahayd inay taxadar badan ka muujiyaan qaabka ninka loo qaaday iyo daryeelkiisa” ayuu yiri Rahul Srivastava

Booliiska ayaana raali galin ka bixiyay dhacdadan, hasa ahaatee dadka ka carooday dhacdadan ayaana qaadan raali galinta booliisa, waxa ayna sheegeen in ficilkaasi uu yahay mid laga xumaado oo mudan in loo ciqaabo kuwii ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -