Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Faahfaahin: Dagaalo khasaare ballaaran geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan Galmudug

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Balanbale ee Gobolka Galguduud dagaal dhaliyay khasaare kala duwan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay duleedka degmadaas

Dagaalka ayaa xoogiisa waxaa uu ka dhacay deegaanka Hiraale oo Galbeed ka xiga degmada Balanballe waxaana uu u dhaxeeyay maleeshiyo ka kala tirsan laba beel oo halkaasi wada dega

Lix ruux oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalamay ayaa dagaalka ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen sideed kale sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dagaalka oo salka ku haya aanooyin qabiil ayaa daba socda dagaalo horey labada beelood ugu dhexmaray degaano ka tirsan Galgaduud kuwaasoo sidoo kale geystay khasaarooyin kala duwan.

Waxaa shaqeyn waayey dedaalo nabadeed oo horey labada beelood looga dhex waday kaasoo ay garwadeen ka ahaayeen waxgaradka labada beelood iyo beelo kale oo ay oodwadaah yihiin.

https://www.youtube.com/watch?v=WmfHtT_ORDE

Related posts

Shir looga hadlay dhaqaalaha iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka oo Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xamse Barre oo la kulmay wafdi sare oo ay horkaceysay Mss Rita Laranjinha (Sawirro)

Caydiid Ali

Meydadka dad ku dhaw 3,000 oo qof oo laga helay magaalada Goma

Cabdi Cade
Taboola Ads ---