Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle baxsad ku jiray

Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka fuliyeen Waqooyiga magaalada Gaalcakyo waxa ay kusoo qabteen nin gacan ku dhiigle la ahaa oo laamaha ammaanka baadigoob ugu jireen.

Ninkan ay soo qabteen ciidamada ammaanka Puntland oo magaciisa lagu sheegay Mowliid Maxamuud Nuur (Caanaboore) ayaa horey u dilay labo qof oo shacab ah oo lagu kala magacaabayay Marxuum Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa lagu sheegay in gacan ku dhiiglaha in mudo ah ku raadjoogeen, waxa ayna ninkan ku eedeeyeen in uu ka gacansan jiray waxyaabaha maankadooriya sida Khamriga.

Booliiska ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ninkan loo horgeyn doono maxkamad si loo marsiiyo ciqaabta dambiyada uu horey u geestay ay ku jiraan dilka labada qof ee shacabka ah, waxaana xusid mudan in ninkan horey maxkamad xukun ugu riday isaga oo maqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=bkfXWI0KgC8

Related posts

Gambaleelka Suuqii ugu horreeyay ee Saamiyada Itoobiya yeelato oo la yeeriyay

Cabdi Cade

Kulan lagu taageerayay Musharax Max’ed Tallman oo lagu qabtay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay Xiisada u dhaxeysa Somalia iyo Imaaraatka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---