Gantaalo aan la ogeyn halka laga soo tuuray oo saakay lagu garaacay magaalada Erbil

Waxaa saakay oo axad ah tiro gantaalo oon wali la ogeyn halka laga soo tuuray lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Erbil ee xarunta gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalka Ciraaq.

Gantaaladan lagu garaacay magaalada Erbil oon laheyn bartilmaameed rasmi ah ayaan la sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka magaaladaasi.

War kasoo baxay laamaha ammaanka magaalada Erbil ayaa lagu sheegay 12 gantaal oo nuuca  ballistic ah oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq saakay kusoo dhaceen qeybo kamid ah magaalada.

Guddoomiyaha Erbil Omid Khoshnaw, ayaa sheegay in gantaalo ay garan waayeen halka laga soo tuuray kusoo dhaceen magaalada, waxa uuna sheegay Guddoomiyaha in aysan cadeyn bartilmaameedka balse ku dhaceen gantaalada qaar meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Erbil ay joogaan ciidamo caalami ah.

Gantaaladan ayaa la sheegay in ay ku dhaceen meel ku dhaw qunsuliyada Mareykanka ku leeyahay magaalada Iribil oo sidoo kale ku dhaw garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, walina ma jiro cid sheegatay masuuliyada duqeyntaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -