Milateriga Ruushka oo lagu eedeeyey iney laayeen shacab ka qaxayey agagaarka Kyiv

Ukraine ayaa ku eedaysay ciidamada Ruushka sabtidii inay dileen 7 qof oo rayid ah weerar ay ku qaadeen haween iyo caruur isku dayay inay ka baxsadaan dagaalada ka socda agagaarka Kyiv, Faransiiska ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu muujiyay inuusan diyaar u ahayn inuu nabad sameeyo.

Waaxda sirdoonka ee Ukraine ayaa sheegtay in todobada qof oo uu ku jiro hal cunug, la dilay xilli ay ka carareen tuulada Peremoha, ka dib markii ay diideen amar uga yimid ciidamada ruushka oo ahaa iney dib u laabtaan.

Ma jiraan ilo madax banan oo xaqiijinaya warbixintan, Ruushkuna wax hadal ah kama soo bixin. iyadoo Moscow ay horey u beenisay in la bartilmaameedsaday dadka rayidka ah tan iyo markii ay gudaha u galeen Ukraine 24-kii Febraayo, waxayna Ukraine ku eedeysay isku daygii fashilmay ee lagu doonayay in lagu daadgureeyo dadka rayidka ah ee ku hareeraysan magaalooyinka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa mar sii horeysay sheegay in Moscow ay soo direyso ciidamo cusub ka dib markii ciidamada Ukraine ay 31 ka mid ah guutada taatikada ee Ruushka ay dhabarka u saareen wax uu ugu yeeray khasaarihii ugu badnaa ee ciidamada Ruushka soo gaara muddo tobanaan sano ah..

Waxa uu sidoo kale sheegay in ilaa 1,300 oo ka tirsan ciidamada Ukraine la dilay ilaa hadda waxa uuna ku booriyay reer galbeedka in ay si weyn uga qeyb qaataan waanwaanta nabadeed. Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in ciidamada Ruushka ay wajihi doonaan dagaal dhimasho iyo dhaawac leh haddii ay damcaan inay galaan caasimadda.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Ryabkov ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu sii hurinayo xiisadda, wuxuuna sheegay in xaaladdu ay cakirtay kolonyo hub ah oo reer galbeedku u soo rareen dalka Ukraine

- Advertisement -