Kulan lagu taageerayay Musharax Max’ed Tallman oo lagu qabtay Kismaayo (Sawirro)

Waxgaradka iyo jilib weynta Odeyasha Dhaqanka Beesha Shiikhaal ee Reer Awqudub ayaa maanta Magaalada Kismaayo kulan soo dhaweyn ah oo an loo kala harin u sameeyay Musharax Xildhiban Maxamed Abdulllahi Cali (Tallman ) oo u taagan Kursiga sumadiisu tahay Hop124.

Kualnkan oo isugu jiray soo dhaweyn iyo Taageerida Musharaxa ayaa waxaa ka qeyb galay Nabadoonka Guud ee Beesha Reer Awqudub Cabdirahman Santuur ibrahim, Nabadoonka oo goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyayvTariikhda Siyasadeed ee Musharaxa isagoo u rajayay in uu ku soo bixi doono Kursiga uu utartamayo.

Waxaa sidoo kale Kulanka ka hadlay Suldanaka Beesha Shiikhaal Suldaan Maxamed Cusman Yusuf Kabow, isagoona Sulaadnka ku amaanay Musharax Maxamed Tallman midaynta beesha isagoona Musharax ugu magac daray mideeye.

Ugu dambeyntii Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Tallman oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto kursiga uu utartamayo uu si cadaalad ah u adeegi doono Bulshada iska leh Kursiga isla markeena uusan noqon doonin mid ka shaqeysta oo kaliya waxaana Odayaasha iyo Waxgaradka uu ka codsaday in ay arintaasi ku garab siiyaan sidii uu ugu guuleysan lahaa.

Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Tallman oo u taagan Kursiga Hop124  ayaa ah Aqoonyahan da’ yar oo marxalado kala duwan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ugu soo shaqeeyay, waxaana hada lagu tirinayaa Musharixiinta ugu cad cad ee u tartamaysa Kursiga Hop124 ee Deegaan Doorashadiisu tahay Jubbaland.

- Advertisement -