Allbanaadir.com
NEWS

Gambaleelka Suuqii ugu horreeyay ee Saamiyada Itoobiya yeelato oo la yeeriyay

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa shalay oo Jimco aheyd si rasmi ah u furay suuqii ugu horreeyay ee saamiyada dalka Itoobiya ay yeelato, suuqaan ayaana la filayaa in sare u qaado kobaca dhaqaalaha ee dalkaasi.

Abiy Axmed, ayaana yeeriyay gambaleelka suuqa saamiyada ee dalka Itoobiya, waxa uuna hadal uu munaasabadda ka jeediyay sheegay in yagyeelida suuqan uu yahay yool taariikhi ah oo Itoobiya in muddo ah ku taameesay , isaga oo intaa ku daray in dhaqaalaha Itoobiya gaaray  hannaan wannaagsan.

“Waxan si rasmi ah gambaleelka ugu yeerinay furitaanka suuqa saamiyada – suuqii ugu horeeyay ee saamiyada ee dalkeena. Maalgalinta Itoobiya – koboca dhakhsaha leh ee dhaqaalaha iyo firfircoonida aan u qaadnay dhinaca barwaaqada,” ayuu yiri Abiy Axmed.

Dowladda Itoobiya ayaa horey u laheyd suuqa saamiyada oo shaqeeya muddo 14-sanno ah, waxaana suuqaasi meesha laga saaray xilligii la afgambiyay boqor Xayle Salaase milatarina dalka la wareegay, waxaana hadda suurto gashay in dib loo yagleelo suuqaasi oo xirmay sannadkii 1974-tii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxii hore ee Nabadsugidda Sacuudiga oo lagu riday xukun adag

Cabdi Cade

Siyaasi sheegay in Siyaasadda dalkeenna uu ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta aheyd

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Aqalka sare oo amray in la joojiyo Shir ka dhacaya Baydhabo iyo Khilaaf soo shaac baxay

admin
Taboola Ads ---