Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay Xiisada u dhaxeysa Somalia iyo Imaaraatka

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee xiligan u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Sheekh Shariif oo la hadlay Telefishinka Al Carabiya ayaa sheegay in Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka uu u dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka hada jira.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa cadeeyay in Dowlada Imaaraarka Caraba si weyn u taageertay dowlada Soomaaliya gacana ka geesatay caawinta shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxa uu xusay Sheekh Shariif in labada dal ka dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid iskaashi, waxa uuna ku baaqay in xiisada la qaboojiyo lagana gaaro xal deg deg ah si uusan xiriirka usii xumaan.

“ Sidaan wada ognahay Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir Taariikhi ah oo dhan walba leh, hadii uu yimaado khilaaf ama is fahan waa, waxaa muhiim ah in lagu xaliyo wadada saxda ah, waxaan Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxda Dowladda ugu baaqayaa in arrintan ay dadaal dheer u galaan sidii loo xalin lahaa, si shacabka aanay u dareemin niyad jab.” Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraaka ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray kadib markii garoonka Aadan Cadde lagu qabtay lacag ku dhaw 10-Milyan ay wateen Diblumaasiyiin Imaaraartka Carabta u dhashay.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa shaacisay in ay joojisay taageeradii iyo tababaradii ay siin jireen Ciidanka Soomaaliya , waxa ayna Imaaraatka Soomaaliya kala baxday saraakiil iyo tababarayaal ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -