Maamulka K/Galbeed oo si cad uga hor yimid go’aankii Guddiga doorashada heer federaal

Guddiga doorashada dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa soo saaray qoraal lagu sheegay in beri la qabanayo doorashada afar kursi oo ka tirsan goaha shacabka.

Afarta kursi ee beri doorashadooda la qabanayo ayaa waxaa ku jira kursiga hop103 oo uu ku fadhiyo Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Talaabada uu qaaday Guddiga doorashada dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa si cad u khilaafsan go’aan maanta ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal oo sheegayey in dib loo dhigay doorashada kursiga HOP103 ka dib cabasho ka timid Jawaari oo loo diiday inuu u tartamo.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Yuusuf C/qaadir Baafo ayaa sheegay in guddiga doorashada heer federaal aanu xaq u laheyn inuu joojiyo doorashada kursiga HOP103, isla markaana uusan Guddoomiye Cirro uusan heysan sharciyad uu kursigaas ku joojiyo

Qabashada deg deg ah doorashada kursiga HOP103 iyo burinta go’aanka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal ee lagu hakiyey doorashada kursigaas ayaa i cad u muujineysa in Madaxweyne Laftagareen uu doonayo inu boobo kursigaas.

Hoos ka akhriso qoraalada ka soo baxay labada guddi doorasho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -