Faahfaahin: Nin dhalinyaro oo isku daldalay goob ganacsi oo ku taalla Muqdisho

Meydka C/raxmaan C/llaahi C/casiis ayaa laga soo saaray maanta harqaan dharka lagu tolo oo ku yaalla agagaarka isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu isdaldalay.

Albaabka harqaanka oo xirnaa ayaa la jebiyey, waxaana ka soo muuqday meydka wiilkan oo ka laadlaada xarig qoorta ugu jiray oo loo badinayo inuu isku daldalay.

Dadka degaanka oo aad u garanayey wiikan harqaanlaha ah ee isdaldalay ayaa iskugu soo baxay goobtaas, iyagoo ka argagaxsan dhacdadan naxdinta leh.

Qoyska wiilkan ayaa sheegay in laba maalmood  ay waayeen balse aysan tebin, sababo la xiriira maalmaha khamiista iyo Jimcaha wuxuu aadi jiray Jaamacad balse waxay xuseen inuu walaac ku abuurmay markii uu xalay soo hoyan waayey.

saraakiisha saldhiga Booliska Waaberi oo gaaray goobta tagay ayaa bilaabay baaritaan, iyadoo meydka loo qaaday xarunta CID-da si loogu sameeyo baaritaan la xiriira inuu isdaldalay iyo in la dilay.

Goobta meydka laga soo saaray ayaa waxaa laga helay warqad la sheegay inuu qoray ninkan isdaldalay, taasoo uu kaga dardaarmay in laga warqabo xaas iyo labo caruur ah oo uu lahaa.

Lama oga sababta dhabta ah ee ninkan uu nafta isku dhaafiyey, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ku furnaa buuq dhinaca qoyska ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -