Nin Gaari jiirsiiyay Eey Qaali ah oo Yurub laga keenay oo lagu xiray Hargeysa iyo Dacwad…

Magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland waxaa lagu xiray nin darawal gaari xamuul ah oo dar daray ama jiiray Eey la sheegay in laga keenay dalka Jarmalka lagana soo buxiyay kumanaan dollar.

Booliiska magaalada Hargeysa ayaa mudo labo maalin ah xabsiga ku hayay Axmed Nuur Cabdiraxmaan, oo ah darawal baabuur nooca Xamuulka , waxaana ninkan loo heesto in ayga jiiray lagu sii daayay damaanad iyadoo wali xiran yahay gaarigii uu watay.

Eeyga gaariga ku jiiray Hargeysa oo ah mid dhidig ah waxaana lala keenay mid kale oo lab ah,  waana eeyo si gaar ah u tababaran oo sidoo kale leh dukumiintiyo sida uu Warbaahinta u sheegay milkiilaha eeygaasi Cabdiqani Cali Warancadde.

” Laban eey noocooda waxaa la yidhaahdaa Rottweiler, dhawaan ayaannu waddanka keenay waxa aannu ka keenay Waddanka Jarmalka. Baasaaboor ayay leeyihiin,” ayuu yiri Cabdiqani Cali Warancadde.

Eeyda dhaawaca ah oo la geeyay isbitaal kuyaala magaalada Hargeysa ayaa lala tacaalayaa xaaladeeda caafimaad i, waxa uuna sheegay mulkiilaha Eydaasi in dhaawac culus soo gaaray ayna ka jabtay qaarka dambe .

” Socodka way gurguuranaysaa, aad bay u liidataa Dhakhtar waannu gaynay laakiin wax la kabi karo ma ahan. Eey-dan markii horeba waxa loo tababaray in ay ordaan in ay tuugta soo qabtaan in la geeyo meelaha ammaanka si ay baaritaanka uga qeybqaataan tiina ma qaban karaan hadda ”. ayuu yiri Mr Warancadde.

Milkiilaha labada Eey ee Hargeysa la keenay ayaa sheegay in midkiiba ku baxday lacag gaareysa 6,245 oo doollar, waxa uuna sheegay in eeyahan yihiin kuwa tababaran oo loogu tala galay in ay kahor tagaan burcada iyo mukhaadaraadka .

” Eeyda hadaf baan u keenay waxaanu dooneynay in ay ka qayb galaan la dagaalanka amni darrada oo aan doonaynay in aanu ku wareejino qaybaha kala duwan ee laamaha amaanka sida booliiska millateriga,” ayuu yiri Dr Cabdiqani.

Dr Cabdiqani Cali Maxaamed Warancadde, ayaa sheegay in uu doonayo in isaga iyo ninka ku eedaysan in uu eeyga gaariga jiirsiiyay ay ku kala baxayaan sharciga u degsan maamulka  Somaliland

Dhacdada Eeydan laga keenay Qaarada Yurub ee lagu jiiray Hargeysa ayaa si weyn looga hadl hayaa magaaladaasi, waxa ayna dad badan isweediinayaan waxa lagu xukumi doono ninka gaariga jiirsiiyay eyga dhaawaca ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -