Daawo Sawirada: Dowlada Somalia oo Horumarineysa Dhismaha Safaaradda ay ku leedahay Faransiiska

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday dhismaha safaarada Soomaaliyeed ee dalka Farasniiska.

Mudane Xasan Cali Khayre oo safaaradda kula kulmay ku simaha safiirka iyo diplamaasiyiinta ee la shaqeeya ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka.

Dowladda oo dhawaan dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka, ayaa wadda dadaallo lagu horumariyo dhismooyinka safaaradaha dalalka caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -