Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo loogu baaqay in uu is casilo 

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa loogu baaqay in uu is casilo, kadib markii uu ku fashilmay wax ka qabashada amaanka caasimada iyo sidoo kale ka hortaga qaraxyada khasaaraha badan shacabka kasoo gaara.

Senaor Axmed Macalin Cumar oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Wasiirka Amniga Gudaha in uu is casilo, waxa uuna sheegay Senatorka in Wasiirka uu gabay shaqadii uu u xil saarnaa.

” Waxaan soo jeedinayaa kana codsanayaa Wasiirka Amniga in uu is casilo, Wasiirka isaga oo jooga ayey mar walbo dhacayaan dhacdooyinka qaraxyada ah, Walaalkey isaga oo nadiif ah ha is casilo maadaama arimahan ay soo noq noqdeyn inta uu joogo” Ayuu yiri Senator Axmed Macalin.

Waxa uu sheegay Senatorka in Wasiirka Amniga inta uu xilkan hayo ay soo noq noqdeyn qaraxyo iyo weeraro badan oo bulshada waxyeelo kasoo gaartay, waxa uuna xusay in loo baahan yahay qofka hadii howshii loo dhiibay wadi waayo in uu shaqada iska casilo.

” Waxaan kula talin lahaa ninkaas walaalkey ah in uu shaqada isaga tagu uu is casilo, hadii uu sii joogo wax sharaf ah oo usoo kordheysa malahan , marka waxaa haboon in uu yiraahdo howshii amniga aan u xil saarnaa waan wadi waayay waana iska casilay” Ayuu yiri Senetarka.

Baaqa kasoo yeeray Xildhibaankan katirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili shalay oo ugu dambeysay iyo marar kale oo badan dalka ka dhaceen qaraxyo boqolaal qof ku dhinteen intii uu xilka hayay Wasiirka Amniga Xildhibaan Ducaale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -