Xildhibaan soo bandhigay Halista ka dhalan karta Heshiiska ay gaareen Somalia iyo Itoobiya

Booqashadii uu magaalada Muqdisho ku yimid Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya iyo heshiisyo qaarkood  Qarsoodi yihiin ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa abuuray xamaasad siyaasadeed iyo shaki badan oo laga muujiyay Heshiiskaasi.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo bandhigay qaar kamid ah Heshiisyada labada dhinac wada galeen, waxa uuna sheegay Xildhibaanka fulinta heshiisyadan iyo kuwa kale oo qarsoon in halis galin karaan Madax banaanida Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu uu arintan kaga hadlay Xildhibaanka.

TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA!

1. Booqashada deg dega ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku yimid magaalada Mogadishu. Heshiiska deg dega ah ee lagu saxiixay saacadaha kooban iyo ka fiirsasho la’aanta madaxda Soomaaliya gelitaanka heshiisyada nuucaan oo kale ah.

2. Damaca Itoobiya iyo hadalka kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee ah in u kula heshiiyay madaxda Soomaaliya in labada dowladeed (Soomaaliya iyo Itoobiya) ay isku noqdaan hal dowlad.

3. Fariinta la tuhunsan yahay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ka waday Maxamed Bin Zayed, dhaxal sugaha Imaaraadka ee Madaxweyne Farmaajo la soo gaarsiiyay, isla markaana jawaab ka sugayey inuu RW Itoobiya ku oo celiyo waxa uu Madaxweyne Farmajo ka yeeli doono soo jeedimaha Imaaraadka.

4. Rabitaanka Imaaraadka ee ah in dhammaan dekadaha gobolka ku yaalla la curyaamiyo oo lala galo heshiisyo dhaadheer oo aysan ka bixi karin si meesha looga saaro maalgelin shisheeye.

5. Diidmada Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu saxiixo qaraarkii labada Gole Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ku buriyeen heshiiskii Berbera iyo in DP World dalka Soomaaliya laga eryo.

6. Hardanka siyaasadeed ee salka ku hayo masaaliixda quwadaha waaweyn iyo kuwa gobolka ay ka leeyihiin geeska Africa sida Mareykanka, Shiinaha, Turkey iyo Imaaraadka oo dhammantood saamayn xoog leh innagu leh.

7. U nuglaanshaha Soomaaliya faragelinta shisheeye iyo bisayl la’aanta siyaasiinta Soomaalida, khilaafka dowladda federaalka iyo Somaliland, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, dagaalka Tukaraq oo dhalin kara faragelin cusub.

Dhamaan qodobadaan iyo kuwa kale oo badan oo laga yaabo dadka Soomaaliyeed in aysan hada ku baraarugsaneyn waxay horseed u noqon karaan cawaaqib xumo aan laga soo kaban karin oo ku habsata dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Suurta galna ka dhigi karta in la waayo midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, aayo-katalinta masiirka umadda Soomaaliyeedna uu gacanta u galo quwado shisheeye oo siday doonaan ka yeela.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -