Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Mashaariic laga hirgalinayo Baraawe (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhagax-dhigay xarunta dhalinyarada magaalada Baraawe oo lagu Wado in dhawwaan dhismaheeda uu bilowdo.

Wasiirka Dhallinyarada,Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose, Gudoomiyaha Degmada Baraawe iyo Masuuliyiin kale ayaa ku wehlinayey Madaxweynaha Dhagax-dhiga mashruucan oo qeyb ka noqonaya hirgelinta adeegyada ay u baahan yihiin Dhallinyarada ku nool magaallo xeebedka Baraawe.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Laftagareen ayaa sidoo kale maanta dhagax-dhigay mashruuca balaarinta iyo dhamaystirka xarunta keydka iyo hagaajinta kalluunka ee Degmada Baraawe.

Magaalada Baraawe ayaa caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed , hasa ahaatee maamulka ayaan magaaladasai ku shaqeyn, waxaana maamulka saldhig u ah magaalada Baydhabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -