Ereyadii ugu dambeeyey ee Max’ed Mursi & Madax caan ah oo geeridiisa ka tacsiyadeeyey

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay geeridii lama filaanka ah ee ku timid shalay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi xilli uu ku jiray maxkamad, iyadoo si weyn looga fal celiyey, laguna eedeeyay dowladda Masar inay ka dambeysay xaaladda keentay  geeridiisa.

Markii shalay la hor keenay maxkamadda wuxuu Allaha u naxariistee Maxamed Mursi dalbaday inuu hadlo, isagoo daqiiqado kadib uu miyir daboolmay, kadibna uu dhulka ku dhacay, sidaasina waqti yar kadib ku geeriyooday, sida ay shaacisay dowladda Masar.

Ururka Akhwaanul muslimiin ayaa bartiisa rasmiga ah ku shaaciyey in hadalladii ugu danbeeyay ee Maxamed Mursi ay ahaayeen: In xaaladiisa caafimaad ay ka sii dartay, laguna wado dil tartiib loo dilayo.. inuu marar badan la kulmay miyir dabool toddobaadkii ugu danbeeyay, iyadoo aan wax dawo ah la siin ama aan adeeg caafimaad loo sameyn.

Wakaalada wararka AP iyaduna kasoo xigatay Qaadi ku sugnaa maxkamadda xilligaas inuu dalbaday Maxamed Mursi in hadalka la siiyo si uu uga hadlo eedeynta loo jeediyey ee ku saabsan inuu sirta Qaranka Masar la wadaagay dalka Qatar, kadibna uu hadlay muddo 20 daqiiqo ah, isagoo caddeeyay inuu hayo sir fara badan oo haddii uu sheego isaga xabsiga laga sii deynayo, balse uu halis galeyo amniga dalka Masar. kadibna daqiiqado kadib uu joogga ka dhacay markii uu miyir daboolmay, sidaasina markaas kadib u geeriyooday.

Telefishanka Aljazeera ayaa iska soo xigtay hadalladii ugu danbeeyay ee Mursi inay ahaayeen: “Ilaa iyo hadda ma ogi waxa ka dhacaya maxkamadda, Ma arko Qareenadayda, iyo saxaafadda, xitaa qareenadayda ma heystaan macluumaadkii ay igu difaaci lahaayeen”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay geerida madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi.

Erdogan oo saaxiib dhow la ahaa Maxamed Mursi ayaa markii ay soo gaartay geeridiisa wuxuu yiri: “Allaha u naxariisto walaalkeen Mursi, wuxuu ahaa shahiid taariikhda ku galay sida uu ugu soo halgamay dimoqraadiyadda, wuxuu shan sano ka badan ku jiray xabsi dulmi ah, wuxuu xukunka ku yimid doorasho dimoqraadi ah, daalimka C/fataax Siisi ayaa afgembi xukunta ugala wareegay, isagoo laayey dad badan”

Waxaa kaloo geerida Maxamed Mursi ka hadlay Amiirka dalka Qatar oo farriin uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri: “Waxaa nasoo gaaray geerida lama filaanka ah ee madaxweynihii hore Masar Dr. Maxamed Mursi, Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Masar..”

Dalalka Turkiga iyo Qatar ayaa taageero siiyey madaxweynaha hore ee Masar Maxamed Mursi iyo ururkiisa Akhwaanul muslimiin, waxayna ilaa iminka taageeraan ururka Akhwaanka, iyagoo noqday dalalkii ugu horeeyay ee ka hadlay geerida madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -