Al Shabaab oo soo bandhigtay Muuqaalada Weeraro kala duwan ay ka fuliyeen Kenya (Daawo Sawirada)

Mu’asasada Alkataib oo Al Shabaab u qaabilsan dhinaca Warbaahinta ayaa soo bandhigay Muuqaalada iyo Sawirro laga soo aruuriyay weeraro kala duwan oo dagaalyahanada kooxdaasi ka fuliyeen gudaha dalka Kenya.

Muuqaalada kooxdan soo bandhigtay waxaa ku jira iyaga oo weeraraya xarumo ciidamada  Kenya ku leedahay gobolka Waqooyi bari iyo Lamu ee dalka Kenya, iyo sidoo kale iyaga oo weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ku qaadaya ciidamada Kenya oo wadooyin socda.

Al Shabaab ayaa sidoo kale muuqaalkan kusoo bandhigtay askar Kenyan  ah ay dileen iyo kuwa ay nolosha ku qabteen, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen gaadiid kala duwan iyo saanad ciidan ay ka furteen ciidamada dowlada  Kenya .

Muuqaalkan cusub ay soo saareen kooxda Al Shabaab ayaa soconaya 52-daqiiqo waxa uuna ku baxayaa Luqadaha Soomaaliga , Sawaaxili iyo Carabi, waxa ayna Muuqaalkan Al Shabaab fariin ugu direen dowlada iyo shacabka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -