Jeneraal Indha Qarshe oo shaaciyay in Galmudug uusan waxba ka heleyn qof Waddani ah

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa shalay soo saaray jadwalka lix kursi oo dhawwaan lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo, waxaana kuraastaasi ku jira kursi uu u sharaxnaa Jeneraal Daahir Aadan Indha Qarshe.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP020 oo u sharaxnaa Jeneraal Indha Qarshe ayaa laga dhigay qoondo dumar si uusan ugu tartamin, waxa ayna taasi meesha ka saartay damacii Jeneraalka ee ahaa in uu kamid noqdo Xildhibaanada gollaha shacabka.

Jeneraal Indha Qarshe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor u diiday in uu u tartamo kursiga beeshiisa ku maamuustay in uu ku matalo ee HOP020.

Waxa uu xusay Indha Qarshe in fajac iyo qaadan waa ku noqdeen sida uu ula dhaqmay Madaxweynaha Galmudug, waxa uuna sheegay in dalka wax badan usoo qabtay laguna abaalmariyay billado badan oo geesinimo iyo waxqabad balse aan hada lagu xushmeyn.

”Maamulka Galmudug in uu ii diido kursigii reerkeyga igu maamustay waxa ay igu noqotay fajac, maxaa yeelay nin intaas oo sanno qarankiisa usoo shaqeenayay billado badan lagu abaalmariyay in la yiraahdo ma istaahishid, sababtu waxaa waaye anigu kuma jecli” ayuu yiri Jeneraal Indha Qarshe.

Jeneraal Indha Qarshe ayaana sheegay in uu aamisan yahay in kursiga reerkiisa ku maamuuseen in uu u waayay kaliya in uusan jecleyn Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu yahay meel uusan waxba ka heleyn una soo doonan nin Waddani ah oo qaranka usoo shaqeeyay, waxa uuna nasiib darro ku tilmaamay hab dhaqanka hoggaanka Galmudug sida ay u dhaqmayaan.

Doorashada sannadkan dalka ka socota ayaa noqotay mid uusan shaqeeneyn rabitaanka dadka iska leh kursiga iyo sumcadda qofka kursiga rabo, balse kaliya qofka wax noqonayo lagu soo xulayo rabitaanka Madaxweynaha dowlad Goboleedka iyo Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -