RW Itoobiya oo markii uu ka laabtay Somalia jeediyey hadal shaki badan abuuray (Daawo Video)

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii uu ku noqday dalkiisa booqashadii Muqdisho ka dib wuxuu u warramay Tvga dalkaasi Itoobiya wuxuuna sheegay qorshaha ay doonayaan uu yahay sidii marka ugu dambaysa ay shucuubta Geeska Afrika u midoobi lahaayeen oo ay u noqon lahaayeen hal dal.

“Booqashadii maalinta badhkeeda ahayd ee aan ku tagay Muqdisho, waxaan kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Afhayeenka, iyo dhammaan Golaha Wasiirrada, kulankaas oo ku saabsanaa wadahadal iyo xidhiidhka labada dal” ayuu yiri raisul wasaaraha.

”Sidoo kale, waxaan ka wada hadalnay sidii aan u samayn lahayn isdhexgal dhaqaale ugu dambayntana aan u midoobi lahayn. Soomaaliya waxay leedahay dekado badan dekadahaasna hal markab kuma isticmaasho innaguna waxaan nahay dal aan dekad lahayn” ayuu yiri abiy Ahmed.

Mar kale raisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu yiri.

”Tusaale nin wax bartay oo aysan aqoontii wax u tarin iyo nin aan wax baran waa isku mid. Iyagu dekadihii ayey leeyihiin mana ka faa’iideystaan, innaguna dekad la’aan ayaynu nahay marka ma aha inaan halkan joogno ee waa inaan sida Mareykanka ama EU dalka Imaaraatka oo kale mid noqonaa. Dadka Bariga Afrika waa badhka dadka Mareykan. Halka ugu dambaysa oo aan higsanayno waa sidii Bariga Afrika ku noqon lahaa hal dal.” ayuu yidhi Abiy Axmed.

“Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda in hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha” ayuu sidoo kale yiri raisul wasaaraha Itoobiya.

Hadalka Abiy Ahmed ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Soomaalida, iyadoo dadku ay ka bixinayaan aragtiyo kala duwan, waxaana meelaha sida weyn loogu faaqidayo ka mid ah baraha bulshada oo dadku ay si xoog leh uga doodayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -