Allbanaadir.com
NEWS

Guddi isku keenaya Madaxda Dowlada & Maamul goboleedyada oo la magacaabay (Magacyada)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku magacaabay guddi ka shaqeenaya isku keenista Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha aqalka sare ayaa ka kooban 9-xubnood oo katirsan Aqalka sare, waxa ayna guddiga uu magacaabay kasoo xulay xubnaha ugu saameynta badan Xildhibaanada aqalka sare.

Waxa ay ka shaqeenayaan guddigan uu magacaabay gudoomiyaha aqalka sare isku keenista Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo sidoo kale diyaarinta shirka labada dhinac iyo ajandayaasha looga hadli doono.

Gudoomiyaha aqalka sare ayaa hada u muuqda in uu qaatay doorkii laga rabay Madaxweynaha federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabista guddigan daba socotaa baaqii uu dhawaan gudoomiyaha soo saaray oo ku aadanaa in labada dhinac kulmaan.

Halkan ka Akhriso Guddigan caawa la magacaabay

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay Habraaca Caafimaad ee Duulimaadyada Dibadda (Akhriso)

Cabdi Cade

Shirkii 3-aad ee Iskaashiga Amniga Puntland & Galmudug oo Gaalkacyo lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo bandhigtay Manhaj cusub oo Waxbarasho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---