Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Masuuliyiin kale oo dalxiis u tagay Dayniile (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan labada golle ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalxiis  u tagay dooga cagaaran ee degmada Dayniile .

Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha la socday ayaa saacado badan ku sugnaa degmada Dayniile, waxa ayna dalxiis ku tageen qeybo kamid ah degmadaasi gaar ahaan dooga cagaaran ee caanka ku tahay Dayniile.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo xubnaha la socday ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta degmada Dayniile, garoonka diyaaradaha Dayniile iyo goobo kale oo katirsan degmadaasi.

Mahdi Guuleed ayaa amaanay horumarka iyo amaanka ka jira degmada Dayniile uu maanta saacado badan kusoo qaatay, waxa uuna Dayniile intii uu joogay soo arkay waxyaabo badan oo farxad galiyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Xil cusub u magaacabay Marwo Saciido Maxamed Musciid (Wareegto)

Cabdi Cade

Haweeneydii la sheegay iney dhashay 10 caruur ah oo la xaqiijiyey ineysan weligeed waxba dhalin

Caydiid Ali

DEG DEG: Rasaas culus oo laga maqlayo xero ciidanka Milateriga ku leeyihiin Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---