Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo ka hadlay Dadaalada la isugu keenayo Madaxda DF iyo kuwa maamulada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed hadana ah Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada QaranĀ  ayaa soo dhaweeyay guddiga isku keenista Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ee la magacaabay.

Qoraal uu barta Twitterka ku leeyahy Sheekh shariif sheekh Axmed soo dhigay ayuu ku sheegay in ay taageerayaan soona dhaweenayaan dadaalada uu wado Gudoomiyaha Aqalka sare iyo guddiga uu magacaabay.

ā€œWaxaan soo dhoweynayaa guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalkaā€ ayuu yiri Shariif.

Sheekh Shariif ayaa bogaadiyay dadaalada Gudoonka aqalka sare ugu jira xal u helida khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowlada iyo maamulada qaar, waxa uuna Shariif dhinacyada la isku keenayo ugu baaqay isku tanaasul.

Qaban qaabada shir la isugu keenayo Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa socda, shirkan ayaana la qorsheeyay in uu dhaco kahor 25-ka bishan aan ku jirno ee June.

Ā 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo si weyn uga carooday Heshiis ay gashay Shirkad laga leeyahay Mareykanka

Cabdi Cade

Wasiir Maxkamad la tiigsanaya Feysal Cali Waraabe iyo Sababaha keenay !

Cabdi Cade

Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo u digtay 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---