Heshiis horumarineed oo haldoorka Soomaalida dhexdooda laga dhigo ayaa hortebin u leh dowladda cusub

Sida aynu la wada soconno, dalku waxa uu soo maray dhowr sano oo aan qatar u galnay inuu dalku dib ugu noqdo waqtigii adkaa ee la soo maray. In kastoo ay dhacday xulasho xildhibaanno iyaguna ay doorteen Madaxweyne Xasan Shiikh markii labaad, hadana dad badan ayaa weli walwal badan ka qaba wixii la soo maray in mar kale lagu noqdo iyagoo sabab uga dhigaaya in dalku uusan u dhammaystirneen nidaamkii looga badbaadi lahaa wixii aan soo marnay. Waxaana nidaamka ka sii daran oo dad badani aaminsan yihiin inuusan dalku lahayn dad si furan isaga warsada sidii dalkani u gaari lahaa heshiis horumarineed oo dhex mara dadka isku heysta amaba ku tartama xafiisyada ugu sarreeya dalka.

Waxaa la isla ogol yahay in Soomaaliya ay ku raagtay nabad iyo xasilooni la’aanta. Waxaanse si dhab ah la isu weydiin meesha ay nooga timaado nabadda iyo xasillooni daradda la isku raacsan yahay in la’aanteed uusan dalku horay u dhaqaaqi karin. Waxay dad badani nabad darrada ku eedeeyaan marba kuwa markaas qaylinaya oo iyagu aanan ku qanacsanayn sida ay wax u socdaan oo waxaan soo marnay xilliyo ay jabhaduhu ahaayeen kuwa nadabba diidan illaa maalmihii dhowaa oo dowaldda iyo musharixiintu isku tuurtuuraayeen qolada nabadda iyo xasiloonida diidan. Waxaanse shaki ku jirin xattaa marka uusan isqabqabsi dalka ka jirin, waxaa dadka ka maqan kalsooni ay ku kalsoon yihiin halka dalku u socdo iyo waxa laga filan karo maamulka maalintaas dalka maamulo.

Waxaa badanaa madaxdeenna lagu tilmaamaa kuwo danahooda ka hormariya tan dalka iyo dadka oo xattaa kuwooda loogu ammaanta badan yahay waxay ka gaabiyaan in xal loo helo waxyaabaha soo jiitamayay sanaha badan oo uu ugu horreeyo dastuurka iyo heshiiska siyaasadeed ee dadka dalka siyaasaddiisa isku haystaahi aysan si hufan uga wada hadlin nidaam ay ku wada kalsoon yihiin oo uu mid kastaaba inuu ilaaliyo ay tahay marka uu xilka hayo iyo marka uusan hayninba. Waxaa kaloo jirin isku howlid la isku howlayo heshiis dhaqaale oo ku dhisan caddaalad iyo isu damqasho iyadoo la fiirinayo tirada dadka gobol kasta ku nool. Heshiis la’aanta ay intaas meelood aysan madaxda Soomaalidu ka heshiis ahayn waxa ay na dhaxalsiiyay in aan maalin kasta ka doodno wax aynu wada ognahay hadana aan garan la’nahay sidii la isugu sheegi lahaa xal waarana looga heli lahaa.

Cabdixakin Cali Casir

Waxaa dalka waqti badan ka galaa dib u heshiisiin aanan la garanaynin cidda ay tahay in la heshiisiiyo iyo waxa ay ka heshiinayaan. Maanta ma jirto wax la dhihi karo Soomaali ha ka heshiiyo oo ay shaqsiyaad amaba qabiillo isku haystaan balse waxaa jira awoodo iyo siyaasado ay kala riixriixanayaan inta nidaamka dowliga ah iyagu isku bedbedela iyo inta ka agdhow mana jiraan wax dadka shacabka ah ka dhexeeya oo ay tahay in laga heshiisiiyo. Waa dhici kartaa in xad gudub iyo wax kala tabasho ay ka dhxayn karto labo shaqsi taasise waa wax ay tahay in caddaaladda loo maro. Nabadda iyo xasillooni darrada dalka ka jirtaana waxaa dhaliya marba kooxdii waxa ay rabto ka weysa nidaamka maalintaa jira. Hadaba sideen uga bixi karnaa?

Heshiis Horumarineed :-Dalku waxa uu leeyahay dad kooban oo iyagu sida ay rabaan hadday waayaan ka shaqeeya in kuwa ay wax ku tebaayaan aysan helin waxa ay rabaan halkaan ayaana waxaa ka dhasha nabad iyo xasillooni darrada aan dhammaanteen aragno 3oka sano iyo dheeraadka dalkeennu burburka ku jiro. Ka soo billaabato xilligii burburkii dowladdii dhexe ee dalka, dadka xasillooni darrada abuura oo qalqalka geliya mar kasta waxa yar oo uu dadku samaystay waa in iyagu maalintaas ka waaya danahooda waxa socda cabsina ka qaba haddii xaajadu sidaan sii ahaato inayba macno beeli doonaan oo ay saaxadda siyaasadda ama dhaqaalaha ka bixi doonaan waxayna sameeyaan wax kasta oo u suurta gelin kara inay uga hortagaan cabsida ay qabaan oo ay weliba ka qabaan maamulka maalintaas dalka ka jira. Waxay isticmaalaan qabyaalad iyo qarash si ay u gaaraan waxa ay iyagu rabaan. Waa dad culays leh laakiin sababta ay intaas oo qatar ah ay u gelaayaan waa cabsi ay ka qabaan isbedel aysan waxba ku lahayn oo dalka ka dhaca.

Hadaba waa in la helaa heshiis horumarineed oo u dhexeeya dadka iyagu dalka maalinba dhinac u leexiya. Dadkaasi qabiil ma laha ee waa dad qabyaaladdu ay la gasho meel kasta waana kuwa maalinta waxay rabaan ay helaan u hadla sidii inay iyaga kaliya hayaan xalka dalka marka kuwii kale ee laga guulaystayna ay cabsi qabaan oo ay isu diyaarinayaan wax kasta oo lagu lug goyn karo nidaamkaas maadaama ay casbi ka qabaan inaysan dib danbe u heli doonin fursad ay dalka wax uga noqdaan. Dadka aan sheegaayo waxa ay isugu jiraan siyaasiyiin, ganacsato iyo dad bulshada dhexdeeda ku leh sumcad oo loo istaagayo waxa ay sheegaayaan helayana taageero keeni karta in ugu yaraan xasillooni darro la dareemo. Hadaba si looga waaqsato isriixriixa aanan dhammaan oo ay dhaliyaan dadka aan soo sheegay, waxaa lagama maarmaan ah in dalku yeesho heshiis horumarineed oo dhinacyo badan leh kaasoo dadkaas siinaya kalsooni aysan uga cabsan isbedelka nidaamka dowliga ah waxaana aasaas u ah heshiis horumarineedkaas, heshiis dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Heshiis Dhaqaale :-Marka aan si fiican u fiirinno xaaladda amni iyo xasillooni darrada dalka, waxaaba laga yaabaa inaan wax kasta u saariso dhaqaale xumada dalka ka jirto iyo weliba sida fursadaha dalku ay dad kooban gacantooda ugu jiraan iyagoo dadkaasi ay isbedel kasta oo dhacaahi ay ka rabaan in sida ay wax yihiin sii ahaadaan haddii laga rabo inaysan qayb ka noqon kuwa maalintaas ka soo horjeeda maalulka maalintaas dalka maamula.

Heshiiska dhaqaalaha ee aan rabo inaad ila aragtaan waa uu ka ballaaran yahay midka gaarka loo leeyahay ee waxaan ka hadlayaa midka la wada leeyahay oo ay ugu horreyso sida loo qaybsanayo dakhliya ka soo xarooda khayraadka dalka iyo sida la rabo in loo aruuriyo canshuuraadka dalka loona qaybsado. Waxaa jira cabsi siyaasiyiinta qaar ay qabaan taasoo dhalisay in dalku sano badan ku guulaysan waayay inuu yeesho heshiis dhaqaale oo loo dhan yahay. Sababta ugu weyn ee loo heli la’yahayna waa kalsooni darro ku jirta dadka aan sheegay ee iyagu culayska ku leh isbedel horumarineed dalka ka curta.

Dadkaas aan soo sheegay waxaa isaga qaldan waxa ay rabaan iyagu iyo sida ay tahay in qofka iyaga la midka ah oo waxa ay rabaan raba siduu ku heli lahaa waxa ay rabaan wax la mid ah, maadaama aysan suurta gal ahayn in waxa la wada leeyhay la kala badsado waana midda ay raabaan dadka qaar. Rabitaankaas ayaa qayb weyn ka ah in dalku yeelan waayo xasillooni iyo nabad dhab ah waayo waxaa meesha mar kasta imaanaya isu jeed loo jeedo qayb dadka aan sheegay ka mid ah oo iyagu ka badsanaya wixii la wada lahaa inta kale waana middaas midda keenaysa inuusan dalku helin heshiis siyaasadeed oo gundhig u noqda heshiiska horumarineed ee ay tahay inuu dalku gaaro.

Heshiis Siyaasadeed :-Waxaan qabaa inay adag tahay in Soomaaliya la gaaro heshiis siyaasadeed inta la iska afgaranayo waxyaabaha aasaaska u ah samaynta heshiis siyaasadeed oo mira dhal noqda. Ma jiro dal Soomaaliya la mid ah oo la dhihi karo ha laga soo amaahdo heshiiska siyaasadeed ee ay samaysteen waayo ma jiro caalamka wadan nagu dhaqan iyo taariikh ah lehna qaabdhismeedka dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool dacallada dalkeenna. Maadaama uusan jirin dalkaasi, cid kasta oo noo sheegta waxa ay tahay inaan siyaasad ahaan ugu heshiinno waa qof noosheegaaaya wax uusan aqoon u lahayn waayo ma jirto meel heshiis noocaas ah horay loogu soo tijaabiyay. Soomaaliya waa xaalad gaar ah.

Waxaan awoodi la’nahay inaan helno nidaam dastuuri ah oo aan dhammaanteen isku raacsannahay. Qaar naga mid ah waxa ay taagan yihiin Federaal ayaan rabnaa. Qaar kale waxa ay u arkaan inuu federaalku qayb ka yahay dhibka dalku ku jiro. Qaar kale ayaa u arka in waxqaybsiga ku salaysan 4.5 ay iyaga dan ugu jirto oo aysan si kale ku heli doonin xuquuqda ay hadda helaan. Intaas oo welwel ah dad kala qaba mid walbaana uu awood u leeyahay inuu dhaliyo nabad iyo xasillooni darro ayaa dalku ka dhexeeyaa una baahan in la isu soo jiijiido lagana dhexdhaliyo heshiis siyaasadeed oo muwaadin kastaahi ka dareemayo inuu xuquuqdiisa aasaasiga ah ku helaayo haddii lagu xad gudbana ay jirto qaabkii uu u mari lahaa in la joojiyo xad gudubkaas. Marka heshiiskaasi hirgalo waxaa fududaanaya in la dhiso heyadaha dowliga oo aan ognahay xaalkooda maanta badanaana loo heysto in madaxda maalintaasi ay iyagu ku tagri falaan sidii ay yihiin heyaduhu wax ay iyagu gaar u leeyihiin.

Hadaba, si dalkeennu u gaaro nabad iyo xasillooni waarta una helo heshiis siyaasadeed oo dhaliya mid dhaqaale kaasoo markiisa isu bedela heshiis horumarineed oo gaara dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan, waxaa lagama maar maan ah in inta yar ee iyagu awoodda siyaasadeed, midda dhaqaale iyo midda kicineed leh ee haldoorka u ah dadka Soomaaliyeed maanta inay gaaraan heshiis dalkan u horseeda heshiis horumarineed.

Heshiiskaas ay iyagu gaaraan ayaa noqon kara mid aasaas u noqda heshiisyada siyaasadda iyo midka dhaqaale ee ay Soomaalida oo dhan gaari doonaan. Heshiiskaas oo aanan ahayn heshiis dib u heshiineed balse ah heshiis inta wax ka go’do ay ku heshiinayaan in dalkan jiho iyo jid loo bixiyo ayaa laga rabaa in dowladda cusubi ay ka shaqayso sidii ay uga mira dhalin lahayd waqti kooban gudaheed si dalku uga baxo kalsooni darrada ka heysata dhinac kasta. Haddii heshiiskaas dowladdaani ku guulaysato oo dhinacyada la ogyahay inay siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka culayska ku leeyihiin taageero uga hesho tustana sida uu heshiiskaasi dantooda uga shaqaynaayo waxaa suurta gal ah in dalku galo xaalad aanan la dhayalsan karin oo muddo kooban gudaheed ku gaaro wax badan oo maanta la filan karin sida wadamo badan oo horteen samaystay heshiiskaan oo kale kuna qanciyay dadka horumarka dalka iyo dib u dhaciisu ka go’o, inaysan isbedelka siyaasadeed iyo midka dhaqaalaba uusan iyaga dhib ku ahaan doonin isbedelkuna u ogolaan doono inay horumaraan iyadoo dalka intiisa kalena uu horumarkooda ku horumarayo.

Haddii lagu guulaysto in sidaa la isu qanciyo la isuna tusaaleeyo, baaxadda horumarineed oo uu dalku ku tillaabsan karo haddii laga gudbo is riixriixa dib u dhaca ma ahane aanan wax kale laga faa’iidaynin, Soomaaliya waxa ay geli doontaa xisilooni siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo dalka dhan gaara iyadoo ummaddu ka faa’iidi doonto khayraadka dalka nuuc kastaba ha lahaadee dalkuna si weyn u horumari doono muddo kooban.

W/Q Cabdixakin C. Casir

Mogadisho69@gmail.com

- Advertisement -