Ciidamada Danab oo howlgalo ka fuliyay deegaano ay maamulaan Al Shabaab (Sawirro)

Ciidamada guutada 16-aad ee kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa tagay howlgalna ka fuliyay deegaano ay kamid yihiin Shaam, Baladul Amiin, Nuun gare iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay maamulaan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada hogaamineysa ayaa deegaanada ay howlgalada ka fuliyeen iyo deegaano kale oo ciidamada dowlada joogaan waxa ay kula hadleen shacabka ku dhaqan deegaanadaasi, waxa ayna ka codsadeen in ciidamada kala shaqeeyaan sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay joogaan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka Danab hogaamineysa in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee looga saarayo deegaanada ay wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa gobolka Shabeelaha Hoose iyo gobolo kale waxa ay ka fuliyaan howlgalo bur burin ah , ciidamada ayaana fuliya weerar qorsheesan oo ka dhan ah dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -