Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia oo geeriyooday

Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa geeriyooday saaka.

Mahiga waxa uu ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay intii u dhaxaysay Juun 2010-Juun 2013.

Xilligan waxa uu ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Tanzania, waxaana uu saaka ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Dodoma dalka Tanzania.

Mahiga ka sokow inuu ahaa wakiilkii hore ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, wuxuu sidoo kale ahaa ergeygii joogtada ee Qaramada Midoobey ee Tanzania.

Madaxweynaha Tanzania John Magufuli wuxuu sheegay in Mahiga uu ku xanuunsaday gurigiisa isla markaana uu geeriyooday markii la geeyay isbitaal maxalli ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -