Trump:” Cadeyn ayaan u hayaa in Shiinuhu Sheybaar ku sameeyey Coronavirus”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyey mar kale in Feyraska Corona uu ku sameeyey sheybaar dalkaas ku yaalla.

Eedeynta Trump ayaa khilaafsan war ka soo baxay sirdoonka Mareykanka ineysan jirin cadeymo muujinaya in feyraska la farsameeyey, iyagoo xusay iney sii wadi doonaan baaritaanka arrintaas la xiriira.

“Ma waxaad aragtay waqtigan wax kalsooni sare ku siinaya in Machadka Wuhan ee arrimaha Virology-ga uu ahaa midka uu asal ahaan ka soo jeedo fayraskan?” “Haa, waan hayaa. Haa, waan hayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoon wax faafaahin ah bixin.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayuu ku eedeeyey iney u dhaqmeyso sidii wakaalad ka tirsan Shiinaha.

Shiinaha ayaa gaashaanka u daruuray in cudurka shaybaar lagu sameeyay waxa uuna Mareykanka ku dhaleeceeyay habka uu Covid-19 uga falceliyay.

Tan iyo markii uu cudurkaasi ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa coronavirus waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay 3.2 milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida halka in ka badan 230,000 oo qofna ay u dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -