Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Haweeney Xaamilo aheyd oo aano qabiil maanta loo dilay iyo xiisad taagan

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeesan aano qabiil ugu dileen deegaanka Kaxandhaale oo katirsan gobolka Galgaduud , waxaana halkaasi ka jira xiisad cusub.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in kooxo hubeesan ay dileen Hodan Cabdi Jaamac oo aheyd xaamilo, waxa ay sidoo kale kooxdan weerarka geesatay dhaawac gaarsiiyeen qof kale kale oo kamid ah dadka deegaanka.

Ehelada haweeneyda la dilay ayaa meydkeeda u tagay kana qaaday goobta lagu dilay. waxaana wararku sheegayaan in halkaasi ka jiro xiisad salka ku heysa dilka haweeneydan loo geestay.

Deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa kusoo laab laabtay dagaalka salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana marar badan halkaasi ka dhacay dagaalo dhiig badan ku daateen oo u dhaxeeya beelo deegaankaasi wada dega.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Puntland oo saakay la wareegay Talis weyn oo Daacish ku sugnaayeen

Cabdi Cade

Ciidamo badan oo kasoo goostay Puntland oo ku biiray Somaliland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Somalia oo tacsi u diray Muslimiintii New Zealand lagu gumaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---