Allbanaadir.com
NEWS

Gaari miineysan oo ku qarxay xadka Mareykanka iyo Canada (Sawirro)

Baabuur ayaa ku qarxay Buundada Rainbow Bridge ee isku xirta Maraykanka iyo Canada taasoo dul marta biyo dhaca Niagara Falls taasoo keentay in masuuliyiinta dalkaasi xiraan dhammaan afarta xuduudood ee u dhexeeya galbeedka New York iyo Canada, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka iyo Kanada.

Ciidanka FBI-da iyo kuwa la dagaalanka argagixisada ayaa la abaabulay si ay u baaraan dhacdada, sida ay sheegtay barasaabka New York Kathy Hochul.

Labo qof oo gaariga saarnaa ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ilaalada xuduudka, sida uu ku warramay Tvga Fox News Channel oo soo xiganeysa ilo-wareedyo aan la magacaabin. CNN ayaa sidoo kale sheegtay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa.

Faahfaahinta rasmiga ah ee dhacdadan ayaa ah mid mugdi badan. Wargeyska Niagara Gazette, oo soo xiganaya ilo kala duwan ayaa sheegay in baabuurka uu si xowli ah ku socday fagaaraha buundada, uuna soo maray xayndaab kala sooca waddooyinka soo gala iyo kuwa bannaanka ka baxa, halkaasoo uu ku qarxay.

Buundada qaanso roobaadka iyo saddexda kale ee xudduudaha ee u dhexeeya galbeedka New York iyo Kanada – Buundada Nabadda, Buundada Lewiston-Queenston iyo Buundada Whirlpool – ayaa la xiray taxaddar ahaan sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha New York.

Saddexda isgoys ee Maraykanka iyo Kanada oo ku teedsan webiga Niagara kuwaasoo kala qaybiya koonfurta Ontario iyo gobolka New York ayaa ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan adduunka.

Tallaabooyinka amniga ayaa sare loo qaaday garoomada diyaaradaha iyo tareenada ee gobolka oo ay maamusho Hay’adda Transit-ka Niagara-Frontier.

“Tani sida iska cad waa xaalad aad halis u ah. Dowladda Kanada waxay si dhab ah u qaadanaysaa xaaladdan,” ayuu yiri wasiirka amniga dadweynaha Dominic LeBlanc oo saxafiyiinta kula hadlay Ottawa. “Waxaan xiriir dhow la leenahay mas’uuliyiinta Mareykanka, waxaan la hadli doonaa xoghayaha amniga gudaha ee Mareykanka waqti dhow,” ayuu yiri.

Qaraxa ayaa waxaa baaris ku haya saraakiil ka tirsan xafiiska FBI-da ee magaalada Buffalo, New York, sida ay hay’addu ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay baraha bulshada ee X, oo hore loo oran jiray Twitter.

“FBI waxay la shaqaynaysaa hay’adaha fulinta sharciga ee deegaanka, gobolka iyo federaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka FBI-da.

Saraakiisha hay’adaha xuduudaha ee Maraykanka ayaan wax hadal ah oo degdeg ah ka bixin, halka dhiggooda Kanada aysan isla markiiba ka jawaabin codsi faallo ah.

Wakiilada Waaxda Arimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sidoo kale isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsan xidhitaanka xuduudaha ee la sheegay. Aqalka Cad ayaa si dhow ula socday xaaladda sida uu yiri afhayeenka aqalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Ogow xogta shir Muhiim ah uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga qeyb galayo Nairobi (Sawirro)

Cabdi Cade

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo War-saxafadeed soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Magacii ka bedelay Mid ka mid ah Wasaaradaha Maamulkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---