Jabuuti oo soo saartay Qoraal Niyad jab badan ku riday Shirkada DP World

Qoraal kasoo baxay dowlada Jabuuti ayaa looga hadlay muranka u dhaxeeya Dowlada Jabuuti iyo Shirkada laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World, waxaana murankan uu salka ku hayaa heshiis ay horey labada dhinac u gaareen.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in heshiiskii horey ula galeen shirkada DP World ay dowlada ka baxday, waxaana qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti lagu sheegay in Shirkada DP World mar kale aysan dib ugu soo laaban karin maamulka Dekada Dooraale.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowlada Jabuuti ayaa lagu sheegay in maamulka iyo maareynta Dekada Dooraale si buuxda loogu wareejiyay Shirkadda  PDSR oo laga leeyahay dalka Jabuuti.

Jabuuti ayaa sheegtay in damaca shirkada laga leeyahay Imaaraadka ee DP World ay ku dooneyso in ay kusoo laabato maamulka dekada Dooraale ay tahay mid aan marnaba suurto galeyn.

”Shirkadda DP World oo mar kale Jabuuti ku soo laabata waxa ay ka dhigan tahay in mar kale fursad loo siiyo inay mucaaraddo dowlad madax bannaan” Ayaa lagu qoraalka kasoo baxayu dowlada Jbauuti.

Dowlada Jabuuti ayaa ku eedeesay Shirkada DP World in ay caqabad ku tahay horumarka dalka Jabuuti, waxa ayna dowlada uga digtay Shirkada DP World in ay isaga harto damaceeda ku aadan in Jabuuti kusoo laabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -