Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shiinaha oo lix cisho kaliya ku dhisay Isbitaal weyn oo qaadi kara kun bukaan (Sawirro)

Dowlada Shiinaha ayaa maanta xariga ka jareysa isbitaalkii ugu horeeyay ee loogu talagalay in lagu daweeyo dadka uu haleelay Viruska dilaaga ah ee Corona ee ka dilaacay dalkaas.

Isbitaalkan oo laga dhisay meel aan ka fogeyn halka uu xanuunka ka dilaacay markiisi hore oo ah Magaalada Wuhan.

Shaqaalihii ka shaqeynayay waxay ku qaadatay 6 maalmood oo kaliya si loo dhiso isbitaal ay seexan karaan kun bukaan markiiba taasoo dad yaabisay.

Hawsha ugu badan ee isbitaalka ayaa la qabtay 48-kii saac ee ugu horeysay, waxaana ka qeyb qaatay Injineero ka kala socday shirkadaha dhismaha ee Shiinaha iyo injineerada ciidanka Dowladda sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Magaalada Wuhan.

Waxaa la sheegay in maalin ka hor la dhameystiray qeyb ka mid ah isbitaalka, lana geliyay wax walba sida biyaha iyo korontada. ayaa shaqaalihii ka shaqeynayay waxay ku qaadatay maalmo, si loo dhiso isbitaal ay seexan karaan kun bukaan.

Mas’uuliyiinta Magaalada Wuhan waxay sheegeen in hawsha ugu badan ee isbitaalka la qabtay 48-dii saac ee ugu horeysay, waxaana ay intaa raaciyeen in ay ka qeyb qaateen injineero ka kala socday shirkadaha dhismaha ee Shiinaha iyo injineerada ciidanka Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo Guddoomiyay kulanka Guddiga Joogta oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Cabdi Cade

Ciidamo isku dhiibay Al-Shabaab & Axmed Madoobe oo ka hadlay cida sababtay

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen Sargaal katirsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---