Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu waa weyn mucaaradka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaa oo u sharaxan kursiga Madaxweynaha Soomaaliya doorashada qabsoomideeda muranka ka taagan yahay.
Garoonka Aadan Cadde waxaa soo gaaray laguna soo dhaweeyay Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashadiid Cali Sharmaarke, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ku sugnaa.
Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay siyaasiyiintan mucaaradka ee maanta Muqdisho yimid, waxaana loo galbiyay guryo ay magaalada ka degi doonaan.
Magaalada Muqdishio ayaa waxaa kusoo qulqulaya siyaasiyiinta mucaaradka ah kana soo horjeeda doorashada qof iyo cod, kuwaa oo caasimadda Muqdisho ka bilaabi doona kulamo siyaasadeed oo looga arrinsan doono xaalada dalka .
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com