Shabakadda wararka ee “CNN” ayaa iyadoo soo xiganaysa mas’uuliyiin Maraykan ah shaacisay in Mareykanku helay xog sirdoon oo cusub oo muujinaysa in Israa’iil ay isu diyaarinayso inay weerarto xarumaha nukliyeerka ee Iiraan.
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo maamulka madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu gaaro heshiis nukliyeer cusub oo uu la galo Tehran.
Mas’uuliyiintaas ayaa uga digay in weerar ay Israa’iil ku qaado xarumaha nukliyeerka ee Iiraan, haddii uu dhaco, uu noqon doono xiisad kicin lama filaan ah oo ku yimaadda siyaasadda Israa’iil, lagana yaabo inuu keeno dagaal ballaaran oo gobolka Bariga Dhexe ka dhaca.
Mas’uuliyiinta ayaa u sheegay CNN in aan wali la xaqiijin in hoggaamiyeyaasha Israa’iil ay gaareen go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan weerarka.
Waxa kale oo ay shabakaddu xustay in qof xog ogaal ah uu sheegay in suuragalnimada Israa’iil ay weerar ku qaaddo xarumaha nukliyeerka ee Iiraan ay si weyn u korodhay bilihii u dambeeyay.
Cabsida sirdoonka ayaa sii xoogaysatay, sida ay CNN sheegtay, kadib fariimo gaar ah iyo kuwo guud oo kasoo baxay mas’uuliyiin Israa’iili ah, iyo sidoo kale isgaarsiin la dhegaystay iyo kormeerka dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Israa’iil, oo ay ka mid yihiin raritaanka hub iyo dhoolatusyo dhanka cirka ah, taasoo muujinaysa diyaar garowga weerar suurtagal ah.
CNN waxay sidoo kale ka soo xigatay ilo xog ogaal ah oo sheegaya in Israa’iil aysan awood u lahayn inay keli ku burburiso barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan iyadoo aan Mareykanka ka helin gargaar.
Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa isna u sheegay CNN in Washington ay xoogga saarayso ururinta xog sirdoon dheeraad ah si ay u caawiso haddii Israa’iil ay go’aansato inay weerar fuliso.