Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen Sargaal katirsanaa Al Shabaab

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo taageero ka helay Ciidamo Mareykan ah ayaa la sheegay in howlgalo ka sameeyeen deegaano kuyaala duleedka magaalada Kismaayo ay ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga Dalka G/dhaxe Cabdi yare ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay howlgalo ciidamada huwanta ah ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Cabdi Yare in ciidanka Milatariga deegaanka Araare ee duleedka Kismaayo ku dileen Sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta xoolaha Zakada, waxa uuna magaca sargaalkan kusoo koobay Aruuriyoow.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa katirsan AMISOM ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday deegaano kuyaala duleedka Kismaayo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka amniga oo War cusub ka soo saaray shaqaaqadii garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Ciidanka Puntland oo degaano ka tirsan gobolka Bari ku dilay xubno ka tirsan Daacish

Caydiid Ali

Faah faahino kasoo baxaa dilka Dhuusomareeb loogu geestay Shaafi Xaaji Diiriye

Cabdi Cade
Taboola Ads ---