Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo Guddoomiyay kulanka Guddiga Joogta oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah, ayaa waxa ay guddoomiyeyaasha guddiyada soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si loo marsiiyo akhrimaha kala duwan. Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, isla-markaana laga rabo in ay laba jibaaraan shaqadooda, waxaana uu faray shuruucda ay gacanta ku hayaana soo dhameystiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahad Salaad: “Cumarow qoriga dabka ah ee Farmaajo kuu soo dhiibay adiga haku guban”

Caydiid Ali

Ganacsato looga digay in faa’iido ka raadiyaan saameynta ka dhalatay Caronavirus

Cabdi Cade

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Wareegto ku magacaabay labadiisa ku xigeen (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---