Allbanaadir.com
NEWS

Tel aviv oo laga kala cararay ka dib Gantaal lagu weeraray

Afhayeenka militariga ee kooxda “Ansaar Allah” (Xuutiyiinta), Yahya Saree, ayaa waxa uu sheegay  in lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv gantaal ballistic ah.

Sareec wuxuu xaqiijiyay in la fuliyay howlgal isku dhaf ah  oo lagu qaaday labo bartilmaameed oo hawada ah oo ku yaalla Yafa iyo Xayfa ee la haysto.

Dhinaca kale, maamulka gudaha ee Israa’iil ayaa sheegay in sirdoonka digniinta (sirens) laga maqlay Qudus, Badda Dhimatay, iyo Tel Aviv, kadib marka la ogaaday in gantaal laga soo riday Yaman.

Milatariga Israa’iil ayaa bayaan ku sheegay in ay ku guuleysteen inay ka hortagaan gantaalkaas.

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa sheegay in duulimaadyo kusoo jeeday garoonka Ben Gurion ay dib u laabteen kadib markii gantaalka la riday.

Wargeyska Yedioth Ahronoth wuxuu qoray in malaayiin Israa’iiliyiin ah ay u carareen goobaha gabaadka kadib markii gantaalka laga soo riday Yaman.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in burburada  gantaalka difaaca ee Israa’iil ay kusoo dhaceen Daanta Galbeed, mid ka mid ah bur bur kaasina ku    dhacay tuulada Al-Shuyoukh ee woqooyiga Khalil (Hebron). Sawirro la isla dhexmariyay baraha bulshada ayaa muujiyay walxo  loo maleynayo in ay yihiin burburka gantaalka difaaca ee Israa’iil.

Adeegga gurmadka degdega ah ayaa sheegay in qof Israa’iili ah uu ku dhaawacmay isagoo ku sii jeeday meel gabaad ah markii digniinta la maqlay.

Israa’iil ayaa qaati ka taagan weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah garoonka Ben Gurion  kaas oo galay go’doomin buuxda oo cirka ah

Israa’iiloo duqaymo ballaaraan ka geysatay gudahaYemen waxa ay filaysay in tallaabooyinkani ay wiiqaaan awooddaha Xuutiyiinta amase ugu yaraan cabsi geliyaan balse xaalku waxa uu umuuqdaa mid culus tan kale Maraykankii ay  isku halaynaysana wuu uga baxay oo heshiis gooni ah ayuu la gaaray markii uu arkay xaalka meesha uu marayo.

Related posts

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Masuuliyiin Mareykan ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha UK oo si dareen leh uga hadlay gubashada Suuqa Hargeysa

Cabdi Cade

Xarunta NIRA ee Laascaanood oo maanta xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---