Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo si weyn ugu mahadceliyay dowladda Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid .

Xamse Barre iyo safiirka Boqortooyada Sacuudiga ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhaxeeya..

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga ay mar walba siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha gargaarka, amniga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa carrabka ku adkeeyey in Boqortooyada Sacuudigu ay door weyn ka qaadan horumarinta kaabayaasha muhiimka ah, iyo in kooxaha Khawaarijta ah laga sifeeyo dalka, si dadka Soomaaliyeed u gaaraan horumar wax ku ool ah.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumadda Biixi oo baaq xasaasi ah u dirtay Shacabka iyo Ciidanka Somaliland

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Halgan iyo Sargaal Ciidan oo lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sambaloolshe oo arrin culus ka dalbaday odayaasha gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---