Musharaxiintii diidanaa doorashada Galmudug oo baaq cusub soo saaray (Akhriso)

Afar Musharax oo horey uga soo horjeestay iney u tartamaan doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa soo saaray baaq cusub oo la xiriira doorashada Galmudug.

Musharaxiinta kala ah C/raxman Odawaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Wehliye ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku dalbadeen in muddo 15 cisho ah la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

“Saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug waa inay 15 kaas cisho iskugu yimaadaan shir deg deg ah si loo dhameeyo khilaafka Siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug mideysan” ayuu lagu yiri qoraalka ay soo saareen afarta musharax.

Waxaa ay ku baaqeen in la tixgeliyo codsiyada saamileyda Siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, iyagoo Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay iney ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafaadka taagan.

Baaqa musharaxiintan ayaa ku soo aadaya xili xalay beesha caalamka ay soo saartay qoraal ay ku sheegtay iney ka walaacsan yihiin xaalada siyaasadeed ee Galmudug, iyagoo ku baaqay dhinacyada isku haya tanaasul.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MUSHARAXIINTA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -