Ciidamo isku dhiibay Al-Shabaab & Axmed Madoobe oo ka hadlay cida sababtay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay qas iyo Amni daro ka waddo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray in madaxda DF ay sharciga dalka ku tunteen taasina ay sababtay in ciidamo ka tirsanaa Maamulka Jubbaland iyo hubkooda ay gacanta u galaan Al-Shabaab oo ku soo bandhigay baraha internetka.

“Carqalado iyo burbur amni ayaa dowladu waxay ka wadaa gobolka Gedo, runtii anagana in badan waxaan ku dedaalnay in wax la xaliyo, balse hubkii iyo ciidankii Gedo ku sugnaa qaarkood ayaa gacanta u galay Al-Shabaab oo maalin walba ay soo sawiraan” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlayey shir jaraa’id oo shalay ku qabtay Kismaayo ka dib markii uu ka soo laabtay booqasho uu maalmahan ku joogay dalka Kenya.

Madaxda Dowladda ayuu ugu baaqay inay ka fekeraan dhibaatadii la soo marey iyo halka la joogo, isagoo xusuusiyey in looga baahan yahay inay dhowraan Sharciga iyo dastuurka wadanka u yaalla.

Dowladda Somalia iyo Maamulka Jubbaland ayaa waxaa weli ka dhex aloosan khilaaf xoogan ka dib markii dowladu diiday iney aqoonsato Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland, waxayna dowladu sheegtay in doorashadaas ay aheyd mid baalbarsan hanaankii lagu yaqiinay doorasho cadaalad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -